2232 Views

Farmaajo”Ra’iisul Wasaaraha Cusub Ee Itoobiya Wuxuu Xoojin Doonaa Xiriirka Ka Dhaxeeya Labada Dal”

Farmaajo”Ra’iisul Wasaaraha Cusub Ee Itoobiya Wuxuu Xoojin Doonaa Xiriirka Ka Dhaxeeya Labada Dal”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 02 April 2018 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khadka Taleefanka ugu hambalyeeyay Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abi Ahmed oo maanta oo isniin ah loo dhaariyay Xilka Ra’iisal wasaarenimo ee dalkaasi.

“Waxaan u xaqiijiyay inaan ka dhabeyno xiriirkeena labada dal si kor loogu qaado Ganacsiga,maalgashiga iyo in la xoojiyo Amniga Gobolka,waxaana shaki ku jirin in Ra’iisal wasaare Aby Ahmed xoojin doono wada shaqeynteena,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya mar uu khadka Taleefanka kula hadlay Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya

Baarlamaanka Itoobiya ayaa Ra’iisal wasaare u doortay Abi Axmed,waxaana mar uu maanta ka hadlayay Munaasabadda xilka loogu dhaarinayay  sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay Eritrea kala shaqayso sidii loo xalin lahaa muranka u dhaxeeya labada dal,iyada oo loo marayo wadada wada xaajoodka.

Bishii March 27, 2018, Xisbiga haya talada wadanka Ethopia ayaa Abi Axmed u doortey inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga kadib markii uu xilka iska casiley Raysal wasaarihii hore ee Hilamariam Desaglen kadib markii wadanka ka dhaceen kacdoono badan oo looga soo horjeeday maamulkiisa kuwaasoo ay hor kacayeen Qowmiyadda Oromada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment