801 Views

Deni oo sheegay in uusan fulin heshiiskii Puntland & DP World ee dekadda Boosaaso

Deni oo sheegay in uusan fulin heshiiskii Puntland & DP World ee dekadda Boosaaso
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 25|  2020
—Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Maanta furay kal-fadhiga 47aad ee golaha Wakiiladda Puntland ayaa soo hadal qaaday waxyaabaha ka qabsoomay heshiiskii maalgashiga ee dekadda Boosaaso, kaas oo dhex-maray sanadkii 2017-dii Xukuumadii Madaxweynihii xiligaas ee Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas & Shirkadda DP World ee laga leeyahay wadanka Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Deni in ay siweyn ula socdeen xaaladaha kajira dekadda weyn ee Magaalada Boosaaso, isla markaana Puntland ay wada-hadal kula jirto Shirkadda DP World si loo xaliyo dhaliilaha kajiro dhinaca Shirkadda.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Puntland ay ku dadaaleyso in caqabadaha ay kala kulmeen Shirkadda DP World uusan saameyn ku yeelan xiriirka ay Puntland la leedahay Dowladda imaaraadka Carabta.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay kurajo weyn yihiin in ay arrintan wax ka qabtaan ayna dareensan tahay Xukuumaddiisu warka kasoo yeeraya shacabka oo ay ka jawaabeyso.

Deni ayaa baaqashada kulankii ay DP WORLD diiday in ay ku qaabisho madaxda Puntland sabab uga dhigay cudurka COVID19, balse uu sheegay in arrintaasi ay Shirkadda DP World xal u keeni doonto Shacbakana looga baahan yahay inay Shacabka Puntland ku kalsoonaadaan Xukuumadooda.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post