774 Views

Ciidamo farabadan oo lagu daadiyay wadooyinka Beled-Xaawo

Ciidamo farabadan oo lagu daadiyay wadooyinka Beled-Xaawo
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL | August-19-2020
–Ciidamada oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay geysay Gobolka Gedo oo ah Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee haramcad ayaa waxaa ay howlgallo ka wadaan Xaafadaha iyo wadooyinka degmada Beled-Xaawo.

Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka degmada ayaa waxaa ay sheegeen in howlgallada ay yihiin kuwo lagu sugayo Amniga degmada Beled-Xaawo oo ay horay ugu dagaalameen Ciidamada Dowladda & kuwa daacadda u ah Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Janan oo baxsad ka ah dowladda Soomaaliya.

Dadka ku nool degmada Beled-Xaawo ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in Ciidamada Haramcad oo wata Gaadiidka dagaalka lagu arkayo wadooyinka iyo duleedka degmada Beled-Xaawo, kuwaas oo wada howlgallo baaritaano ah.

Laamaha amniga degmada Beled-Xaawo weli sooma bandhigin dad loo qabtay fallaka amni darro ee dhawaan ka dhacay degmadaasi,iyada oo xaalada ay haatan tahay mid degan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
__________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post