513 Views

Golaha Wasiirada oo Maanta kulan ka yeelanayo kiiskii Qalbi Dhagax iyo ONLF

Golaha Wasiirada oo Maanta kulan ka yeelanayo kiiskii Qalbi Dhagax iyo ONLF
____________________________________________________________________________


Axad: January 23, 2022

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa la filayaa inay Maanta isugu yimaadaan kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayo go’aankii ay xukuumaddii hore ka gaartay kiiska Qalbi Dhagax iyo ONLF.

, Golaha Wasiirada ayaa Maanta soo saarayo go’aan ku saabsan in laga laabtay go’aankii liiska Argagixisada loogu daray ururka ONLF ee Soomaali Galbeed.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa raali gelin buuxda siin doono Qalbi Dhagax oo si sharci darro ah dalka looga dhoofiyey isla markaasna loo gacan geliyey Dowladda Itoobiya, inkastoo markii dambe lasoo daayey.

Dhanka kale, Wasiirkii hore ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo qoraal soo dhigay bogiisa Facebook ayaa sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’isulwasaare Rooble ay baal Dahab ah ka geli doonto Soomaaliya haddii ay saxdo qaladkii ay ku kacday xukuumaddii ka horeysay ee Ra’isulwasaare Kheyre.

Halkaan hoose ka akhriso qoraal uu Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook

Maanta Golaha wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay maanta indhaha ka furayaan halgamaagii asagoo indho xiran, afduuban, garbaduuban dalka laga dhoofiyey dalka, iyo sidoo kale waxaa wax kama jiraan laga dhigayaa qaraarkii qaldanaa ee liiska argagixisnimo loogu daray Ururka ONLF ee xaq u dirirka ah.

25 August maalintii Qalbi dhagax amarka Farmaajo looga dhoofiyey garoonka Muqdisho iyo 06 September maalintii xukuumaddii Khayre ay sharciyaysay dhiibista Qalbi dhagax iyo liiska argagixisada in lagu daro ururkiisii ONLF waxay ahaayeen maalmo madow oo dawladnimada Soomaaliya iyo sharciga dalkaba meel looga dhacay, gefna laga galay halgankii ay u taagnaayeen Ururka ONLF.

Raysulwasaare Rooble, wasiirkiisa Amniga Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo golaha xukuumaddu waxay mudan yihiin bogaadin, waxaana xusi doonto taariikhda, haddii xukuumadani ay waxqabatayna waa kii u weynaa.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post