1437 Views

Maamulka Jubbaland Oo U Digay Odayaasha Dhaqanka Deegaanadaas

Maamulka Jubbaland Oo U Digay Odayaasha Dhaqanka Deegaanadaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 20, 2019 –Wasiirka amniga ee dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Cabdi Xasan Cabdi Nuur Janan  oo ka qeyb galay kulan ka dhacay Degmada Baled-Xaawo ee Gobolka Gedo ay ka hadlay amniga deegaanada Jubbaland,isagoona fariin u diray Odayaasha dhaqanka.

Wasiirka amniga Jubbaland ayaa uga digay Odayaasha kunool deegaanada Jubbaland in ay ka daba yimaadaan Maxaabiista ku eedeysan Al-shabaabnimo,isla markaana ay soo qabtaan Ciidanka Jubbaland.

Sidoo kale Wasiir Janan ayaa sheegay inay Odayaasha dhaqanka looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan sugida amniga deegaanada maamulka Jubbaland,isagoona xusay in Al-shabaab ay dhibaatooyin ku hayaan Shacabka.

Ugu dambeytii Wasiirka Amniga ee dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Cabdi Xasan Cabdi Nuur Janan ayaa tilmaamay in aan loo baaneyn in damiin lagu sii daayo dhalinyarada lagu eedeeyo kamid ahaanshaha Al-shabaab ee laga soo qabto deegaanada Jubbaland .

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment