1215 Views

Galmudug oo ka hadashay Dagaalkii saakay ee Bacaadwayn

Galmudug oo  ka hadashay Dagaalkii saakay ee Bacaadwayn
____________________________________________________________________________

Talaado: july 6 2021

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada amniga Galmudug ayaa waxaa looga hadlay Howlgal qorsheysan oo Ciidanka Xoogga iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay saakay kula wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Wasaaradda amniga Galmudug ayaa sheegtay in Ciidamada Xoogga iyo kuwa Maamulka Galmudug ay dib ula wareegeen deegaanada kala ah Bacaadweyn, tuulada Qaycad, Sabeena gawrac iyo deegaano kale oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Ciidamada ay howlgalka qorsheysan ku galeen deegaanadii ay horey u qabsadeen Al-shabaab, islamarkaana halkaas isaga baxeen Shabaab, ayna si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Sidoo kale Wasaaradda amniga Galmudug ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in Al-shabaab laga saaro deegaanada ay halkaas kaga sugan yihiin, isla markaana howlgalkii saakay dhacay uu qeyb ka yahay howlgalka ka socda Gobolka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post