567 Views

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay, in aysan waxba ka beddeli doonin go’aankii mudda kordhinta hay’adaha dowladda

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay, in aysan waxba ka beddeli doonin go’aankii mudda kordhinta hay’adaha dowladda
____________________________________________________________________________

April 20-2021

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay, in aysan waxba ka beddeli doonin go’aankii mudda kordhinta hay’adaha dowladda, kaas oo uu ansixiyay Aqalka hoose ee Baarlaamnka dalka.

Warkan waxa laga soo xigtay wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed cabdirisaaq Maxamuud oo wareysi siiyay BBC-da, islamarkaana ka hadlay tallaabada Midowga Afrika ku dhex-dhexaadinayo dowladda iyo mucaaradka.

“Waxba iskama aanay badelin go’aankii baarlamaanka uu qaatay, taas waa howl baarlamaanka u taal” ayuu yiri wasiirka Arrimaha dibadda.

Sidoo kale Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa sidoo kale soo dhoweeyay dhex-dhexaadinta madaxweyne Farmaajo ka dalbaday guddoomiyaha Midowga Afrika Felix Tshisekedi, in uu fududeeyo wada-hadal dhexmara dowladda Federaalka iyo mucaaradka.

OFFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post