903 Views

Eey uu lahaa Madaxweyne Joe Biden oo aqalka cad laga saaray kadib markii uu Qaniinay ilaalada Madaxweynaha

Eey uu lahaa Madaxweyne  Joe Biden oo aqalka cad laga saaray kadib markii uu Qaniinay ilaalada Madaxweynaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho /Qol/  March 10, 2021 

Mid kamid ah eyda uu xanaaneysto madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo xaaskiisa oo aqalka cad ayaguna loo soo wareejiyay kadib markii xilka loo dhaariyay Biden ayaa laga saaray madaxtooyada dalkaas.

Eyga oo ah nooca loo yaqaano German shepherds ayaa aqalka cad ee Mareykanka laga saaray kadib markii labada ey midka yar oo lagu magacaabo Major uu qaniinay mid kamid askarta qaabilsan amniga aqalka cad.

Sida ay kusoo warrameen warbaahinta Mareykanka, eygan ayaa markii uu qanniiyada geystay waxaa dib loogu celiyay gurigii uu degenaa madaxweyne Biden ee uu ku lahaa magaalada Wilmington ee gobolka Delaware kahor inta uusan aqalka cad usoo wareegin.

Eygan ayaa la sheegay in uu lasoo baxay dabeecado qallafsan markii la geeyay aqalka cad. Madaxweynaha Mareykanka ayaa eygan soo korsaday saddex sano kahor. Waxaa uu noqonayaa xayawaankii ugu horreeyay ee inta aqalka cad la geeyo kadibna laga saaro.

Ilo aan la shaacinin ayaa warbaahinta CNN u sheegay in eyga uu buuq iyo bodbood ku wareeriyay shaqaalaha ammaanka qaabilsan ee aqalka cad.

Marwada koowaad ee Mareykanka, Jill Biden ayaa bishii lasoo dhaafay mid kamid ah warbaahinta Mareykanka u sheegtay in markii ay usoo wareegeen aqalka cad ay diiradda saartay sidii ay u saldhigan lahaayeen eyda oo xilligaas ku cusbaa madaxtooyada.

“Waxay noqotay in ay adeegsadaan wiishka oo aysan u baranin, waana taas sababta aan aadka ugu doonayay in qofwalba uu saldhigto,” ayay tiri Jill.

Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu leeyahay taariikh dheer oo ah in madaxda halkaas imaneysa ay la yimaadaan xayawaano, haseyeeshee madaxweyne DonaldTrump ayaa waxaa uu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee aanan ey ama xayawaan kale keensanin aqalka cad muddo 100 sano ah.

Joe Biden ayaa sheegay in uu Biden ka murgacday lugta xilli uu la dheelayay mid ka mid ah eydiisa.

Madaxweyne Biden ayaa dhammaadka sanadkii hore dhaawacmay kadib markii ay u baxday lugta oo uu dhulka ku dhacay xilli uu la ciyaarayay eyda uu dhaqdo midka ugu weyn.

Madaxweyne Biden ayaa aqalka cad la wareegay horraantii sanadkan, inkastoo aanu xil wareejintii loga bartay aanu ku sameynin madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Trump, kadib markii uu saluugay doorashadii ka dhacday dalka Mareykanka.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post