1080 Views

DEG DEG: Kheyre oo hakiyay Mashruucii laga tagay maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug

DEG DEG: Kheyre oo hakiyay Mashruucii laga tagay maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 18, 2020—Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa hakiyay Mashuuricii dhismaha Wadooyinka ee ay saakay kala saxiixdeen Wasiiradda maamul goboleedyadda ee dhanka Maaliyadda, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle.

 

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha bulshadda qabsaday sababta looga tagay maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.

 

 

 

Amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda Dowlad Goboleedyada.

 

Amarka waxaa lagu sheegay in Dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa mashruuca, waxaana laga qeyb geli doonaa dhammaan dowlad goboleedyada.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment