756 Views

Ganacsade u dhashay dalka Turkiga saxiibna la ah William Ruto.oo lagu xiray garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta

Ganacsade u dhashay dalka Turkiga saxiibna la ah William Ruto.oo lagu xiray  garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta
____________________________________________________________________________

Axad August 8, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan booliiska dalka Kenya ay wehliyeen Saraakiil ka socotay waaxda Socdaalka dalka Kenya ay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi ka xireen  ganacsade caan ah oo u dhashay dalka Turkiga.

Harun Aydin ayaa si deg deg ah ciidamada gacanta ugu dhigeen markii uu kasoo degay garoonka diyaaradaha , waxaana ganacsadahan loo kaxeeyay Xafiiska La-dagaalanka waxa loogu yeeray Argagixisada, waxaana markii dambe loo sii gudbiyay saldhig booliis.

Ciidamada dambi baraista ee wareestay ganacsadahan ayaa la sheegay in wax ka weediiyeen isfahan Sharci uu ku joogo Kenya iyo waxay tahay Shaqada uu ka hayo Kenya ka sokow Qaaradda Afrika.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in ganacsadahan Turkliga ee la xiray la sii diyaariyay qorshaha xarigiisa inta uusan kasoo duulin dalka Uganda, waxa ayna sheegeen ganacsadahan in xiriir dhaw la leeyahay Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto.

Ganacsadahan Kenya lagu xiray ayaa iska leh Shirkada Maalgashiga Tamarta Afrika ee loo yaqaano Unit 2HA Investment Energy Africa Ltd, wuxuuna Fasaxa Shaqo ka haystaa Waaxda Adeega Socdaalka Kenya oo la bixiyey bishii June 30-dii ee sanadkan 2021-ka, kaasi oo dhici doona bishaJune 29-da ee sanadka, 2023-ka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post