765 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku eedeeyay Madaxda Jubbaland iyo Puntland inay caqabad ku yihiin Doorashada..

Wasiirka Arrimaha Dibadda  oo ku eedeeyay Madaxda Jubbaland iyo Puntland inay caqabad ku yihiin Doorashada..
____________________________________________________________________________

February 23 , 2, 2021

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilka sii-haya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa khudbad uu uga hadlay Doorashada Soomaaliya iyo xaaladda dalka ka jeediyay kulankii Golaha Ammaanka ee QM ka yeesheen Somalia.

Wasiir Maxamed ayaa sheegay in Madaxda dowladda Federaalka ee muddo xileedkeedu dhammaaday ay tanaasul badan ka sameeyen khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada, isla markaana ay weli jiraan caqabado kale oo taagan.

Waxaa oo uu sheegay Wasiir Maxamed Cabdirisaaq in la qabtay shirar kala duwan oo looga hadlaayay arrimaha khilaafka uu ka jiro iyo sidii loo fulin lahaa heshiiskii laga gaaray doorashada 17-kii bishii September oo haatan caqabado badan hor taagan yihiin.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayuu Wasiirka ku eedeeyay inay caqabad ku yihiin fulinta heshiiskii la gaaray, isla markaana ay kasoo jawaabi waayeen Shirkii uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda ayaa waxaa uu tilmaamay in Dowladda ay diyaar u tahay dhameystirka iyo in qaliinka lagu duugo heshiiskii Guddiyada Farsamada ku gaareen Magaalada Baydhabo.

Dani iyo Madoobe ayuu ku eedeeyay inay fursad siinayaan wax uu ugu yeeray  qulqulatooyin hubeysan oo lagu hoos qarinayo banaanbax nabadeed, waxaa uu sheegay in Dowladda ay oggoshahay banaaanbax nabadgelyo iyo in dadka Soomaaliyeed cabiraan rabitaankooda, balse aan marna la aqbali doonin in Amniga Qaranka la khal-khal geliyo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post