1017 Views

Kuuriyada Waqooyi oo Gantaallo Tijaabisay

Kuuriyada Waqooyi oo Gantaallo Tijaabisay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 31, 2019 —Kuuriyada Waqooyi ayaa aroornimadi hore ee Arbacada maanta ah tijaabisay laba gantaal oo ah nuuca ridda gaaban ee loo yaqaanno balistiga.

 

Tijaabadan ayaa noqoneysa tii labaad oo ay Pyongyang sameyneyso muddo todobaad gudahiis ah.

 

 

 

Milatariga Kuuriyada Koofureed ayaa sheegay in gantaallada ay saakay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi laga ganay magaalada xeebeedka Wonsan ee ku taalla dhanka bari.

 

Gantaallada ayaa dhulka ka sarreeyay fogaan dhan 30 km iyaga gaaray masaafo dhan 250 km.

 

Lix maalmood ka hor ayay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay gantaal ballistic ah, taasoo ay ku sheegeen mid ay jawaab uga bixinayeen go’aanka ay Kuuriyada Koofureed ku gaartay in ay hub kasoo iibsan doonto Mareykanka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment