2238 Views

Waxbarasho La’aanta Caruurta Bariga Afrika Oo Laga Digay

Waxbarasho La’aanta Caruurta Bariga Afrika Oo Laga Digay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 19  February, 2018–Nairobi ( Sh. M. Network )-Illaa iyo 90,000 oo Caruur ah oo ku nool bariga Qaaradda Afrika ayaa halis ugu jira in ay Dugsiyada Waxbarasho ka tagaan todobaad kasta, sida lagu sheegay warbixin ay dhawaan soo saartay hay’adda badbaadada caruurta ee Save The Children.

Hay’adda ayaa xustay in sababaha ugu waaweyn ee dhinaca Waxbarashada ay tahay abaaro iyo colaado is biirsaday oo ka taagan dalalka ku yaalla bariga Afrika

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in 4.7 Milyan oo Caruur ah ay wajahayaan Waxbarasho la’aan, kuwaas oo ku nool dalalka Suudaanta Koofureed, Soomaaliya,Ethiopia iyo Kenya .

Waxaana ay hay’addu sheegtay in maalin walba ay Dugsiyada Waxbarasho ka tagaan 12,000 oo Caruur ah oo sameyn daran ku yeesheen Cuno yari iyo colaado xoogan

Save The Children ayaa xustay in caruurta qaarkood lagu qasbo guurka xilliyada ay ku jiraan Waxbarashada halka kuwo kale oo badan la Askareeyo iyadoo ay da’doou aad u yartahay.

Ku dhawaad 21 Milyan oo ruux oo ku nool dalalka Suudaanta Koofureed,Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia ayaa waxaa sannadkan ay wajahayaan Cuno yari daran taas oo ay sababtay abaarta ka jirta dalalkaasi.

Hay’ada badbaada Caruurta ee Save The Children ayaa dalbatay Malaayiin Dollar oo lagu samata bixiyo Caruurta fara badan oo nool dalal ku yaalla bariga Qaaradda Afrika, waxaana hay’’addu ay ka digtay in haddii arrimahaasi wax laga qaban uu lumi doono Jiil cusub oo ka mid ah dayarta Qaarada.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment