219 Views

6-da laacib ee baalasha dahabka ah lagu qoray ee qarankooda u qaaday Koobka Adduunka?

6-da laacib ee baalasha dahabka ah lagu qoray ee qarankooda u qaaday Koobka Adduunka?
____________________________________________________________________________

Isniin: DECEMBER 19, 2022

Argentina ayaa wajihi doonta France ciyaarta finalka koobka aduunka ee galabta, iyadoo Lionel Messi iyo Kylian Mbappe ay dhiiri galin u yihiin dalalkooda.

Haddaba tartankan ma lagu xasuusan doonaa in uu yahay ‘Koobkii Adduunka ee Messi’, iyadoo xiddiga reer Argentina uu ugu dambayn kor u qaadayo koobka, mise Mbappe ayaa Faransiiska ku hoggaamin doona guulo xiriir ah, iyadoo afar sano ka hor oo uu ku qaaday Ruushka?

BBC Sport ayaa soo bandhigtay lix ciyaaryahan oo kale oo kaalin weyn ka qaatay guulihii dalkooda uu gaaray koobabkii hore adduunka. 

Pele, Brazil – 1958

Pele waxa uu ahaa 17 jir kaliya markii Brazil ay ka qeyb gashay Koobkii Adduunka ee 1958 ee Sweden, isagoo raadinayay inuu ku guuleysto tartanka markii ugu horeysay. Markii laga soo tagay labadii kulan ee furitaanka dalkiisa, weeraryahanka ayaa markaas wacdarro dhigay isagoo 2-0 kaga badiyay Midowga Soofiyeeti, waxaana uu dhaliyay goolka kaliya ee ay 1-0 kaga badiyeen Wales wareega rubuc dhamaadka.

Wixii intaas ka dambeeyay, Pele waa la celin waayay. Waxa uu dhaliyay seddexleey, ciyaar ay 5-2 kaga badiyeen semi-finalka France iyo labo gool oo kale oo ay 5-2 kaga badiyeen Sweden.

Koobkaasi waxa uu ahaa koobkii ugu horeysay ee seddexda koob ee aduunka ee Pele, inkastoo uu kaliya ka soo muuqday labadii kulan ee furitaanka 1962, ka hor inta uusan dhaawacmin.

Sannadkii 1970-kii, si kastaba ha ahaatee, waxa uu ahaa cayaar yahankii ugu wanaagsanaa, isagoo dhaliyay afar gool – oo ay ku jirto goolkii ugu horreeyay ee Brazil ay 4-1 kaga badiyeen Italy.

Mario Kempes, Argentina – 1978

Argentina ayaa laba jeer ku guuleysatay Koobka Adduunka, labada jeer, hal ciyaaryahan ayaa qeyb weyn ka qaatay guushooda. waa Mario Kempes.

Weeraryahankan oo markaasi Valencia u cayaarayay ayaa tartankan u ahaa laf dhabar isagoo ahaa gooldhaliyahii ugu sarreeyay horyaalka La Liga laba xilli ciyaareed oo xiriir ah, waxaana uu ahaa ciyaaryahanka kaliya ee ka tirsan xulka Argentina ee aan u ciyaarin dalkiisa.

Kempes ayaa ku guuldareystay inuu gool ka dhaliyo wareeggii  koowaad ee group-ka, laakiin wareeggii labaad wuxuu dhalaalay labadii gool ee ay 2-0 kaga badiyeen Poland, iyo kii koowaad iyo seddexaad oo ay 6-0 kaga badiyeen Peru

.

Taasi waxay keentay in Argentina ay gaarto finalka, Kempes ayaa laba gool oo kale dhaliyay, ciyaartii ay 3-1 kaga badiyeen Netherlands ee ka dhacay Buenos Aires, maadaama uusan xulkiisa ka caawinin guushii ugu horeysay, laakiin sidoo kale wuxuu ku dhameystay gooldhaliyaha ugu sareeya tartanka iyo ciyaaryahankii ugu fiicnaa.

Paolo Rossi, Italy – 1982

Markii uu qeyb galay galay Koobkii Adduunka ee 1982 ee Spain, Weeraryahanka Talyaaniga Paolo Rossi ayaa kaliya ku soo laabtay Garoomada ka dib labo sano oo ganaax ah oo uu ku muteystay fadeexadii ciyaaraha ee Seria A, iyadoo warbaahinta Talyaaniga ay maamulaha qaranka Enzo Bearzot ku dhaleeceeysay inuu liiska ciyaartooyda ku soo daro.

Laakiin ka dib bilow xun, weeraryahanka ayaa kaalintiisa muujiyay kulankii Brazil isagoo dhaliyay seddexley cajiib ah ciyaar uu Talyaaniga ku qasbanaa inuu badiyo si ay u gaaro semi-finalka.

Waxa u xigay labadii gool ee ay 2-0 kaga badiyeen Poland semi-finalka, waxaana uu dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee Talyaaniga ciyaartii finalkii taas oo ay 3-1 kaga badiyeen West Germany.

Lixdii gool ee uu dhaliyay Rossi ayaa u sahashay inuu ku guulaysto kabta dahabka ah ee ka siiyo gooldhaliyaha ugu sareeya.

Diego Maradona, Argentina – 1986

Kabtan Diego Maradona ayaa hormuud u ahaa Koobkii Adduunka ee 1986-dii isagoo Argentina ka caawiyay inay ku guuleystaan ​​koobkii adduunka ee labaad ee Mexico. Goolkii ugu horeeyay waxa uu ka dhaliyay Talyaaniga ka dib ciyaar ku dhamaatay 1-1 oo ay Argentina ka caawisay in ay ku soo guulaysato Group-ka.

Wareega 8 dhamaadka waxa uu dhaliyay 2 gool oo uu ku garaacay England 2-1. Midka hore wuxuu ahaa goolkii caanka ahaa ee ‘Hand of God’ – markii Maradona uu kubadda ku dhuftay Peter Shilton – laakiin kan labaad ayaa loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah gooldhaliyihii ugu wacnaa ee Koobka Adduunka ee abid, isagoo kubadda ka soo jiiday garoonka qeybta xigta goolkooda ka hor inta uusan soo dhex-marin difaaca England.

Waxa uu ku xigay laba gool oo kale oo cajiib ah ciyaartii ay 2-0 semi-finalka ee ay 2-0 kaga badiyeen Belgium-ka. Ka dibna waxa uu door muhiim ah ka qaatay finalkii 3-2 ee ay kaga badiyeen West Germany.

Isagoo shan gool dhaliyay shan kalena caawiye ka ahaa, Maradona waxa uu ku guulaystay kubbadda dahabka isagoo noqday ciyaaryahankii ugu fiicnaa tartanka.

Zinedine Zidane, France – 1998

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee xirfada leh ee Zinedine Zidane ayaa ahaa astaantii  koobkii adduunka ee France ee 1998-kii, oo ay marti galiyeen.

Si fiican ku bilowday kadib markii uu caawinaad ka geestay goolkii ugu horeeyay ee xulkiisa uu ka dhaliyo tartanka, kaas oo uu dhaliyay Christophe Dugarry ciyaar ay 3-0 kaga badiyeen Koonfur Africa.

Zidane ayaa markaas door muhiim ah ka qaatay inay hogaanka kala wareegaan Sacuudi Carabiya, laakiin markii dambe karaka casaanka ah ayaa loo taagay taas oo sababtay in laga saaray ciyaartii ay ku badiyeen 4-0, waxaana uu seegay kulankii seddexaad ee Group-ka France oo ay la ciyaareen Denmark, sidoo kale wuxuu 1-0 kaga badiyay Paraguay waqtigii dheeriga ahaa ee wareega 16-ka. .

Sidoo kale kaali ka qaatay ciyaartii semi-finalka ay xulkiisa 2-1 ku garaaceen Croatia.

Ciyaartii Final-ka, Zidane ayaa dhaliyay labo gool oo madax ah taas oo ay 3-0 kaga badiyeen Brazil. Laba sano ka dib, waxaa loo magacaabay ciyaaryahankii ugu fiicnaa Euro 2000, oo Faransiisku sidoo kale ku guuleystay.

Ronaldo, Brazil – 2002

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post