744 Views

SAWIRO:- Saraaakiil ka tirsan AMISOM oo kormeeray Goob loo asteeyay doorashada Baarlamaanka

SAWIRO:- Saraaakiil ka tirsan AMISOM oo kormeeray Goob loo asteeyay doorashada Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Waxaa Maanta Goobta loo asteeyay in doorashada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland lagu qabto booqasho ku tegay saraakiil katirsan Ciidammada Booliska AMISOM ee ka howlgalla Magaalada Kismaayo.
Saraakiisha ayaa halkaasi waxaa ay u tageen si ay qiimeyn iyo indho-indheyn ugu sameeyaan goobta loo asteeyay doorashada,  si loo hubiyo in Amniga Goobta ay tahay mid wanaagsan.

Saraakiisha ayaa warbixinno ka dhagaystay guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed  Jubbaland iyo guddoomiyaha guddiga Baarlamaanka Jubbaland u qaabilsan doorashada.
Goobta loo asteeyay in lagu qabto doorashada labada Aqal ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa amnigeeda siwadajir ah u ilaalinaya Ciidamada Booliska dowlad Goboleedka Jubbland iyo kuwo ka socda Booliska AMISOM.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post