1002 Views

Khilaafkii Labada Aqal ee baarlamaanka oo lasoo Afjaray

Khilaafkii Labada Aqal ee baarlamaanka oo lasoo Afjaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 13, 2019 —Gudoonka labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay xaliyaan khilaafkii ka dhex jiray, kuna dhawaaqay in ay dardargelin doonaan howlaha shaqo ee horyaala oo ay ugu horayso arimaha doorashooyinka 2020.

 

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay in guud ahaan lasoo Afjaray Khilaafkii labadda Aqal, islamarkaana loo diyaar yahay u shaqeynta Umadda Soomaaliyeed.

 

 

Waxa uu sheegay in howlaha Sharci dejinta ay yihiin qabyo hadii aysan wada shaqeyn labadda Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa sheegay in dhibaato badan lala kulmay intii uu Khilaafku ka dhaxeeyay labadda Aqal.

 

Waxaa uu sheegay in hadda ay dardar galin doonaan howlaha Sharci dejinta gaar ahaan howlaha doorashooyinka iyo Dastuurka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment