651 Views

Gudoomiye Ciro oo xalay kulan gaar ah la qaatay Guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka ee Baarlamanka.

Gudoomiye Ciro  oo  xalay kulan gaar ah la qaatay Guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka ee Baarlamanka.
____________________________________________________________________________

Axad: 1  2021

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka ee Baarlamanka.

Guddiga doorashooyinka iyo kuwa xaqiijinta qoondada Haweenka ayaa iska xog-wareystay xaaladda doorashooyinka dalka iyo sidii loo xaqiijin lahaa qoondada Haweenka ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka  Batuulo Sheikh Axmed Gaballe ayaa kulanka ka sheegtay in muhiim ay tahay ilaalinta qoondada Haweenka ugu yaraan 30% isla markaana rajo wanaagsan ay ka qabaan arrintaas.

Sidoo kale Batuulo Gaballe ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada dalka ka dalbatay ilaalinta qoondada Haweenka ee doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post