2607 Views

Maamulka Gobolka Gedo oo Go’aano soo saarey

Maamulka Gobolka Gedo oo Go’aano soo saarey
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 8, 2020 –Iyada oo kiisas kamid ah Cudurka Coronavirus laga helay meelo kamid ah dalka Soomaaliya iyo dowladaha deriska ah ayaa Maamulka Gobolka Gedo waxaa ay qaadeen tallaabooyin dhowr ah oo ku saabsan sidii looga hortegi lahaa faafintaanka cudurkaas.

 

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Gedo ahna Madaxa Amniga Gobolkaas Cismaan Nuur Xaaji Macalimow ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay joojiyeen isku socodka guud ahaan dadka iyo Gaadiidka ee Magaalooyinka Gobolka Gedo iyo deegaannada dhinaca xaduudka ah ee dalalka Kenya iyo Itoobiya.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in Magaalooyinka,Beled-Xaawo,Doolow Luuq iyo degmooyinka kale aysan wax dad ah kasoo geli karin dhinaca dowladaha Kenya iyo Itoobiya,iyada oo taxadar dheeraad ah laga muujinayo Cudurka maadaama labadaasi dal laga helay.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka ay ku amreen inay joojiyaan Goobaha la isugu yimaado in la xiro Goobaha Ganacsiga iyo meelaha kale,sidoo kalena ay howlgeliyeen howlwadeenada Caafimaad ee ku sugan degmooyinka Gobolka Gedo.

 

Dhawaan waxaa laba kiis oo kamid ah Cudurka Corona laga helay Magaalada Mandheera oo Xaduud la leh Magaalada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo,iyada oo maamulka Magaaladaas ay ku dhawaaqeen inay xaduudka xireen.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment