1266 Views

Sawiro:-Wafti uu hoggaaminayo Xoghayaha Joogta Wasaaradda Qorsheynta XFS oo maanta gaaray magaalada Kismaayo

Sawiro:-Wafti uu hoggaaminayo Xoghayaha Joogta Wasaaradda Qorsheynta XFS oo maanta gaaray magaalada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 14, 2019 –Xoghayaha joogta Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan  ayaa maanta gaaray magaaladda Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland, waxaana  socdaalka ku wehlinayo Qubaro iyo  qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee  Magalaadda Kismaayo ku soo dhaweeyay Waftiga Wasiirka Qorsheynta  Maamulka Jubbaland  iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Wasiirka Qorsheynta Maamulka Jubbaland  oo qeybta soo dhaweynta garoonka diyaaradda Magaalada Kismaayo kula hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay wafdiga, waxuuna intaasi ku daray in ka jubbaland ahaan ay soo dhaweeynayaan Watashiga Wareegga koowaad ee Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad.

Xoghayaha joogta Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan, ayaa sheegay in dalka oo dhan si rasmi ah ugu daah furmay wadatashiga wareegga koowaad ee  Qorsahaha Horuminta Qaranka Sagaalaad, tasoo ahmiyada laga leeyahay ay tahay in dhammaan Ummadda Soomaaliyeed talooyinkooda la dhageysto iyo waxyaabaha ahmiyada u leh in qorshaha sagaalaad lagu cadeeyo.

Waftiga uu hoggaaminayo Xoghayaha joogta Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ayaa Magaaalada kismaayo ku sugnaan doona muddo afar maalmood ah, si wadatashi  siman loola yeesho dadka ku nool Jubbaland.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment