471 Views

Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya oo ka hadlay cadaadiskii la saaray maalintii ku dhawaaqista natiijada iyo gacan qaadkii

Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya oo ka hadlay cadaadiskii la saaray maalintii ku dhawaaqista natiijada iyo gacan qaadkii
____________________________________________________________________________

Khamiis:AUGUST 18, 2022

Guddoomiyaha guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC, ee dalka Kenya ayaa ku eedeeyay 4-ta mas’uul ee ka tirsan guddiga isla markaana aan ayidin ku dhawaaqista natiijadii doorashada madaxtinimo in ay isku dayayaan in ay jabiyaan dastuurka.

Wafula Chebukati ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay dhacdooyin aan la ogeyn oo dhacay xilligii la qorsheynayay Isniintii ku dhawaaqista natiijada oo saacado badan qaadatay.

Waxa uu sheegay in Afarta qof ee ka tirsan guddiga oo markii dambe iska fogeeyay natiijada soo baxday, ay ka dalbadeen ayna ku qasbeen inuu sameeyo doorasho ku celis ah ,taasi oo uu ku tilmaamay guddoomiyuhu mid ka hor imaanaysay dastuurka iyo rabitaanka madax-bannaanida ee dadka Kenya.

Mr Chebukati ayaa difaacay tallaabadii uu qaaday ee ku dhaqaasitii ahayd in William Ruto uu ku guuleystay doorashada inkastoo qayb ka mid ah guddiga ay sheegeen inuu u dhaqmay guddoomiyuhu si baalmarsan sharciga.

Afarta qof ee ka tirsan guddiga ayaa sheegay inay qabaan su’aalo la xiriira sax ahaanshiyaha natiijada isla markaana aan la siin fursad lagu xaqiijinayo natiijada.

Ninka ay sida weyn ula loo lameen Mr Ruto ee Raila Odinga – ayaa diiday in uu aqbalo natiijada, waxa uuna tilmaamay inuu qaadayo tallaabo dhanka sharciga ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post