1011 Views

Siyaasi musharax hore Haji Mohamed Yassin oo soo dhaweeyay hadalkii shalay ka soo yeeray madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Balse waxa uu shaki ka muujiyay

Siyaasi musharax hore Haji Mohamed Yassin oo soo dhaweeyay hadalkii shalay ka soo yeeray madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Balse waxa uu shaki ka muujiyay
____________________________________________________________________________

May 2-2021

Siyaasiyiin iyo wax garad soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Qudbadii shalay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday maxamed C/llaahi farmaajo uu ka jeediyay baarlamaanka.

Siyaasi musharax hore Haji Mohamed Yassin oo aad wax uga qaro arimaha siyaasada Soomaaliya ayaa ka hadlay, Qudbadii shalay uu jeediyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday  farmaajo.

Waxa uu sheegay Haji Mohamed Yassin in uu soo dhawaynayo arintaas balse waxa uu sheegay in aysan wali kala cadayn waxa ka danbeen doona, arintaaa, waxa uuna sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay deg deg ku sameeyaan wax kasta, marka ay xeero iyo fandhaal kala dhacaan.

Bismillaah

Akhyaarta waa idin salaamay:

Marka hore waxaan soo dhaweenayaa oo bogaadinayaa Khudbadii Madaxwanihii hore, Md. Mohamed A. Farmaajo ee maanta.

Waa tilaabo horay loo qaaday.. Lkn Somaalida dhaqankeeda Siyaasadda waxa laga bartay in si fudud loo dagaalamo islamarkaa wax aan bislayn lagu heshiiyo ama la isugu hambalyeeyo..

Alloow Alle..!

Waxaan jeclahay in aan dhinac kale ka abaaro falanqaynteeda si loo la faguro arrimaha la isku hayey iyo soo jeedintii Farmaajo:

1. Farmaajo Shaxdiisa ma Runbaa mise waa Riwaayad..?

2. Farmaajo inuu Xilkii Doorashada inuu ku wareejiyey Rw Roble, ma Runbaa mise waa Riwaayad?

3. Farmaajo in ay isqabteen QorQoor iyo Guudlaawe, ma Runbaa mise waa Riwaayad?

4. Farmaajo iyo Rooble in ay is qabteen ma Runbaa mise waa Riwaayad?

5. Farmaajo iyo Laftagareen in ayaguna isqabteen ma Runbaa mise waa Riwaayad?

Danta Soomalida waxay ku jirtaa in aanu xaga wanaaga ka qaadano anagoo islamarkaa ka digtoon Khiyaano waliba oo dib inoo celin karta.

Hadaba, waxaan soo jeedinayaa aragtidayda iyo talooyin iila muuqda in lagu gaari karo *Maslaxo guud*.

  1. Farmaajo wuxuu maanta cadeeyey in 2dii sano ee kororsiga ahaa baadil iyo Sharcidarro.
  2.  
  3. Farmaajo wuxuu cadeeyey in isaga iyo Barlamaanka uu waqtigooda dhammaaday.
  4.  

3. Farmaajo iyo Barlamaanka in maanta wixii ka dambeeya aysan lahayn Xil dastuuri aha ay Dalka ku hoggaamiyaan.

  • Farmaajo iyo Barlamaanka waxay si rasmi ah maanta Xilalkooda ugu wareejiyeen Rw Roble oo noqonayaa Hoggaamiyaha Dawlad kusime ah inta la soo dooranayo Xildhibaano iyo Madaxwayne..
  •  

5. Farmaajo wuxuu ku sii joogi karaa Villa Somaaliya in la helo heshiis Siyaaaadeed shardigiisana yahay inuu ka TANAASULO MURASHAXNNIMO..

PERIOD

Somaaliya halis labaad ayaa Alle ka badbaadiyey oo wali muuqata in si fudud qarax u dhici karo haddii aan si Dhab iyo Dacaadnnimo ah loo heshiin..

Marlabaad waa soo dhaweenayaa Khudbaddii Mw Farmaajo lkn waxaan ka codsanayaa inuu si Sharaf leh u soo wareejiyo Xilalka oo idil isagoo aan gadaal u dhigan KARAR la isla fahmyo inaan guul lagu gaarayn..

Somaaliya waa diideen:*

Digtatooriyad dambe..

Kaligii Talisnnimo dambe..

Dhiig ayeey u daadiyeen..

Waa u dhaawacmeen..

Waa u Qaxeen..

Ciidamadii waa u

GADOODEEN..

Dib u noqosho dambe ma jirto ee walaaloow Farmaajo, Dadkaaga Dhinac ka raac..!!

Waari mayside Warsan hakaa haro..!!

Alloow Tawfiiqda na waafaji oo Qaflada naga saar.. Amiin

Haji Mohamed Yassin

Abdihakim Elmi Hassan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post