375 Views

Al shabaab oo sheegatay Mas’uuliyada dadii saakay lagu laayay gobolka Hiiraan

Al shabaab oo sheegatay Mas’uuliyada dadii saakay lagu laayay gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 3, 2022

 Al shabaab, ayaa ka hadlay dadka lagu laayey gobolka Hiiraan maanta, iyagoo sheegay iney halkaasi ku dileen maleeshiyaad ka tirsan Macawiisleeyda.

Waxey intaa ku dareen Al Shabaab, iney sidoo kale gubeen gawaari ka baxday magaalada Baladweyne, oo sida ay sheegeen u waday sahay iyo saanad maleeshiyaadka Macawiisleyda.

Hase yeeshee, dadka deegaanka oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in Shabaab ay laayeen dad rayid ah.

Alshabaab ayaa waayadan ka waday hawlgallo gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Toddobaadkii hore, ayey weerareen Alshabaab tuulooyin katirsan Galgaduud iyo Mudug, iyagoo burburiyey xarumo isgaarsiineed iyo ceelasha biyah

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post