1227 Views

Janeraal Xijaar oo Taliyayaal Ciidan u magacaabay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Matabaan

Janeraal  Xijaar oo Taliyayaal Ciidan u magacaabay   Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo  Matabaan
____________________________________________________________________________

May 17 2021

 

Wareegto ka soo baxday Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa Taliyeyaal cusub Ciidan loogu magacaabay  magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug iyo Saldhiga Booliska degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidamada Booliska Janeraal  Xijaar  ayaa waxa xilka taliyaha booliska magaalada Dhuusamareeb u magacaabay Gaashaanle Maxamed Xasan Warsame, halka Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayadana loo magacaabay Dhame Nuur Cilmi Maxamed.

Sidoo kale Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sidoo kale waxa uu taliye ku-xigeenka qeybta guud ee Booliska gobolka Mudug u Magacaabay Gaashaanle Maxamed Mire Maxamuud, kaas oo hore u ahaa Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb.

Taliyaha Ciidamada Booliska Janeraal  Xijaar ayaa ka dalbaday in Saraakiishaas iyo Ciidamnada la siiyo Mushaarkooda iyo Gunadooda, taasi oo muujinaysa in Ciidamada Booliiska Mushaarkooda aan la Haynin Xiligan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post