1455 Views

Hubanti la’aan ka taagan doorashadda Koonfur Galbeed

Hubanti la’aan ka taagan doorashadda Koonfur Galbeed
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 17, 2018 –Xildhibaanada kasoo jeedda degaanada maamulka Koonfur Galbeed oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay soo jeediyeen in dib loo dhigo doorasahadda maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada ayaa ku baaqay in la joojiyo doorashadda lagu waddaa in ay ka dhacdo Magaalada Baydhabo 19 Bishaan,Maadaama ay sheegeen in loo baahan yahay in la dhageyso qeylo dhaanta kasoo yeeraysa Waxgaradka.

Xildhibaanada ayaa ku baaqay in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo wali ku xiran Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale waxgaradka degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa qaadacay doorashadda lagu waddo in ay Baydhabo ka dhacdo 19 Bishaan,maadaama ay sheegeen in dhibaato badan ay ka dhacday Magaalada.

Waxgaradka ayaa ku baaqay in doorashadda dib loo dhigay,maadaama Roobow oo ka mid ahaa Musharaxiinta diwaangashan uu wali ku xiran yahay Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment