417 Views

Aqoon is-weydaarsi ku saabsan dhiiragelinta waxbarashada E-Learning oo lagu qabtay Netherland [NEWS+VIDEO]

Aqoon is-weydaarsi ku saabsan dhiiragelinta waxbarashada E-Learning oo lagu qabtay Netherland  [NEWS+VIDEO]
____________________________________________________________________________

Axad, 13 November [Qaranimo Online] Aqoon is-weydaarsi ay soo qabanqaabisay Jaamacadda “Accord” ayaa lagu qabtay Hotelka Van der valk ee ku yaal Magaalada Hilversum  ee dalka Netherlands.

Aqoon is-weydaarsigan oo loo qabtay qaar ka mid ah hormuudka mushtamaca Soomaalida NL ayaa  ahaa mid lagu dhiiragelinayay waxbarasha loo yaqaan “E-Learning”

Qaar ka mid ah waalidiintii kulanka ka soo qeybgalay ayaa la hor-dhigay su’aal ahayd faa’iidadda & khasaarada ay leedahay  habka waxbarashada E-Learning, iyada oo ay siyaabo kala duwan ay kaga fal-celiyeen.

“Muddadii Karoonaha uu dunidda kala xanibay ayeey aad u soo shaac-baxday barashada E-Learning, faa’idada laga dhaxlay waxay aheyd in adigoo gurigaaga ama goobtaada shaqada joogtid inaad dunidda halkaad doontid inaad wax ka baran kartid; Halka ay dhibaatadu ka jirtay in waalidiintu ilaalo ka hayaan caruurtooda inta ay casharada ku jiraan maadaama ay aheyd xaalad ka cusub” Ayeey tiri Fartuun oo ka mid aheyd waalidiintii madasha ka hadashay, waxayna intaasi raacisay in doodahan nuucan ah ay ku dhiiragelin karaan waalidiintu in ay wax badan ka fahmaan waxa loo yaqaan E-Learning.

Fiorence Norris oo ah Madaxda Jaamacadda Accord &  Prof. Abdulkadir Basheer Mohamed oo ah ku-xigeenka ayaa muxaadaro ay u jeediyeen ka soo qeybgalayaasha ku faahfaahiyay marxaladihii ay la soo mareen ololaha lagu dhiiragelinayo in dadku ay bartaan nuuca waxbarashada E-Learning oo noqonaya habka waxbarashada casriga ah ee ay duniddu u jiheysan doonto mustaqbalka dhow.

Prof. Abdulkadir Basheer, isaga oo ka hadlayay waxtarka waxbarashada, wuxuu ku nuuxnuuxsaday  in si loo hormariyo wacyiga bulshada loo baahan yahay in la dhiirageliyo waxbarashada, wuxuuna intaa ku daray in la fududeeyay waxbarashada qof kasta oo Internet heli karana uu dal kasta wax ka baran karo.

Maxamed Cusmaan [Guurre] oo ka tirsan Guddiga maamulka Dalladda FSAN ayaa isaga oo ku hadlaya magaca FSAN wuxuu u mahadceliyay dadkii soo qabanqaabiyay, isaga oo xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in qeybaha kala duwan ee bulshada loo iftiimiyo muhiimada ay leedahay “Electronic Learning”.

Fiorence Norris &  Prof. Abdulkadir Basheer Mohamed oo soo qabanqaabiyay kulanka ayaa u mahadceliyay Saxafi Cabdullaahi Taajiroow oo qeyb weyn ka qaatay sidii uu barnaamijkaasi u najixi lahaa, iyada oo Taajiroow gabagabadii kulanka lagu guddoobsiiyay abaalmarin.

HOOS KA DAAWO VIDEO-GA KULANKA:

(2) Aqoon isweydaarsi looga hadlayay dhiirafelinta E Learning oo labgu qabtay Netherland – YouTube

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post