1128 Views

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya oo ka soo horjeesatay in AMISOM ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada dowlada

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya oo ka soo horjeesatay in AMISOM ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada dowlada
____________________________________________________________________________

April 24-2021

Saacado kadib Dowlada Soomaaliya ayaa ku tilmaantay warkii ka soo baxay Gudiga Midowga afrika ee ahaa, in Ciidamada amisom ay la socdaan dhaq dhaqaqyada Ciidamada Dowlada inta lagu guda jiro Doorashooyinka iyo is qab qabsiga siyaasadeed ee dalka ka jiro.

Hadalka ka soo yeeray Midowga afrika ee ahaa in la koontaroolo Ciidamada amaanka Dowlada somaliya ayaa waxaa arintaas ku tilmaamay Wax laga Xumaado Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim.

Sidoo kale Waxa uu sheegay qaasim in ay tahay sumcad Xumo go’aankaas maadaama waajibaadka AMISOM aysan qayb ka ahayn , waxaana uu intaas ku daray in aysan aqli doonin dalabkaas oo ay soo jeedintiisu leeyihiin dowlado aan dooneyn in ciidamada Soomaaliya ay dhismaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post