867 Views

Dagaal mar kale saakay ka bilaawday magaalada Guriceel ee Galgaduud

Dagaal mar kale saakay ka bilaawday magaalada Guriceel ee Galgaduud
____________________________________________________________________________

Axad: October 24, 2021

Wararka ka imaanaya saakay magaalada Guriceel ee xarunta ganacsiga Galmudug ayaa sheegaya in Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa Dowladda Federaalka iyo Ciidamo taabacsan maamulka Ahlusunna in  mar kale saakay ka bilaawday magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka waxa uu hadda ka bilaawday oo uu ka socda dhabarka danbe ee Saldhigga Guriceel, iyadoo laga isku adeegsanayo hub nuucyadiisa culus.

Sidoo kale dagaalkii shalay ayaa sababay ku dhawaad 40 qof oo dhimasho ah iyo dhawac intaas ka badan, waxayna wararku sheegayaan in dagaalka saakay uu yahay mid aad u culus oo la isku adegsanayo madaafiic.

Kala soco Bogan wixii ku soo kordha dagaalkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post