762 Views

Bannaabaxyo ka dhan ah Faransiiska oo ka socda dalka ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan dunida

Bannaabaxyo ka dhan ah Faransiiska oo ka socda dalka ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan dunida
____________________________________________________________________________

Kumannaan Muslimiin careysan ah ayaa ku hor bannaan baxaya safaaradda Faransiiska ee Indonesia, iyaga oo sita boorar ay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ugu yeerayaan “argagixiyaha dhabta ah” isla markaana ay ku dalbanayaan in si degdeg ah loo cayriyo safiirka dalkaas ka jooga.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbaday in maaxweynaha Faransiiska uu ka laabto hadalladii uu Islaamka ka sheegay isla markaana uu raalligeliyo Muslimiinta dunida.

Dadka ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Jakarta iyagoo sidoo kale dalbanayay inaan la iibsan badeecada ka timaadda Faransiiska.

Toddobaadyadii la soo dhaafay dibadbaxyo ayaa ka dhacay qaar ka mid ah dalalka Islaamka oo ay Soomaaliya ku jirto, kuwaas oo looga soo horjeeday hadalkii uu dhowaan sheegay madaxweyne Macron, kaas oo ahaa in lala dagaallamayo “xagjirnimada Islaamka”.

Hadallada madaxweyne Macron ayaa yimid kaddib labo weerar oo dhowaan ka dhacay Faransiiska.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post