867 Views

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeedinaya Shir Madaxeedka Afrika

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeedinaya Shir Madaxeedka Afrika
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Gelinka dambe ee Maanta oo Isniin ah ayaa la filayaa in la soo geba-gabeeyo Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo ka socda magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya.

 

Shirkaan waxaa Soomaaliya u metelaya Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana looga hadlay qodobo dhowr ah oo ku saabsan xaalada kajira dalalka Afrika sigaar ah caqabadaha kajira wadanka Koonfurta Suudaan.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu Maanta shirkaasi ka jeediyo khudbad uu kaga hadli doono guulaha ay gaartay Soomaaliya, muddadii la soo dhaafay, caqabadaha ku xeeran iyo fursadaha u baahan in sida wadajirka ah looga faa’iideysto qaarad ahaan.

 

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaasi waxaa uu kasii wadi doonaa kulamo kala duwan oo uu la qaadan doono Madaxda ka qeyb galeysa Shir Madaxeedka wadamada Afrika ee ka socda Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment