558 Views

Tababaraha kooxda Liverpool Klopp oo sheegay in Mo Salah uu yahay ciyaaryahanka ugu wanaagsan adduunka Xiligan

Tababaraha kooxda  Liverpool  Klopp oo sheegay in Mo Salah uu yahay ciyaaryahanka ugu wanaagsan adduunka Xiligan
____________________________________________________________________________

Sabti: October 16, 2021

Tababaraha kooxda kubadda cagta ee Liverpool, Jurgen Klopp, ayaa Maxamed Salaax ugu yeeray inuu yahay ciyaaryahanka “ugu wanaagsan” dunida kaddib markii laacibkaasi reer Masar uu ciyaar layaab leh soo bandhigay guushii ay kooxdiisa 5-0 ku martay kooxda Watford.

Salaax ayaa baas cajiib ah u dhigay Sadio Mane oo dhaliyay goolka koobaad ee ciyaarta, iyadoo uu soo bandhigay ciyaar wanaagsan dhaliyayna gool qurux badan.

“Waa ciyaaryahan sare. Waannu aragnaa dhammaantayo. Yaa ka wanaagsan?” ayuu Klopp u sheegay BT Sport.

“Ciyaaro layaab leh ayuu maanta soo bandhigay. Si qurux badan ayuu goolka koobaad u baasay goolka labaadna mid gaar ah ayuu ahaaba.”

Mo Salah ayaa haatan kooxda Reds-ka waxa uu gool dhalinayay 8 kulan oo xiriir ah, taas oo ah middii ugu dheerayd ee xiriir ah oo kooxda ay gaarto tan iyo markii Daniel Sturridge uu Febraayo 2014 uu goolal dhaliyay sideed kulan oo xiriir ah.

Goolka Salaax ee maanta ayaa waxa uu la samiyay goolashii 104-ta ahaa ee uu laacibkii hore ee kooxda Chelsea Didier taas oo aheyd goolashii ugu badnaa ee uu ciyaaryahan Afrikaan ah ka dhaliyo horyaalka Kubadda Cagta ee Ingiriiska.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post