126 Views

Liis xildhibaano oo la isku khilaafsan yahay oo looga dhowaaqay Puntland

Liis xildhibaano oo la isku khilaafsan yahay oo looga dhowaaqay Puntland
____________________________________________________________________________

GAROOWE — Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ayaa soo saaray liiska xildhibaanada baarlamanka 6-aad ee Puntland, oo ka kooban 66 xildhibaan.

Inta badan xildhibaanada, oo gaaraya illaa 58, ayaa isla maanta lagu dhaariyey xarunta baarlamanka, waxayna Guddoomiye KMG ah u doorteen Xildhibaan Xassan Cabdalla Xassan.

Si kastaba, musharaxiinta mucaaradka ayaa ku gacan sayray liiska xildhibaanada, oo ay ugu yeereen “liis been abuur ah” iyo mid “baal marsan hab raacii rasmiga ahaa.”

Musharaxiinta ayaa sidoo kale caddeeyey inaysan doorasho ku geli doonin liiska xildhibaanada maanta lagu dhowaaqay, ayaga oo uga digay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni “inuusan horseedin burbur, amni darro iyo qalalaase siyaasadeed.”

Madaxweyne Deni ayaa dhankiisa taageeray liiska xildhibaanada cusub ee maanta la dhaariyey.

“Waxaan u hambalayeeynayaa Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland oo maanta la dhaariyey iyo Guddoonka Ku meel gaarka ah ee ay doorteen, Allaah Waxaan uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda ay qaadeen, Anigoo u rajeynayaa in ay waajibaadkooda si dhakhso ah u gutaan sida Doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada iyo tan Madaxtooyada,” ayuu Deni ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Tirada xildhibaanada 66-ka ah ee la shaaciyey ayaa ah mid waafaqsan tirada baarlamankii 5-aad ee Puntland, waxaana ku jira kuwa matalaya gobollada SSC-Khaatumo. Hase yeeshee waxaa xusid mudan in odayaasha dhaqanka ee Khaatumo ay horey u sheegeen inaysan soo xuleyn xildhibaanada Puntland, ayaga oo sabab uga dhigay inay hadda kadib yihiin maamul ka madax banaan Puntland.

Go’aanka SSC-Khaatumo ayaa waxaa sidoo kale taageeray Isimada Puntand, oo ku taliyey in tirada xildhibaanada laga dhigo 49, oo doorashada lagu galo, kadibna laga wada-hadlo buuxinta tirada harsan.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa sidoo kale soo jeediyey in doorashada lagu galo 49 xildhibaan.

Faah-faahin dheeri ah waxaa Garoowe kasoo diray Nuux Muuse Birjeeb.

____________________________________________________________________________

Xigasho: VOA

____________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post