918 Views

Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo saakay ka socda B/weyne

Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo saakay ka socda B/weyne
____________________________________________________________________________

May 5-2021

Wararka ka imaanaya saakay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in uu halkaas ka socdo dagaal ku bilaawday Deg deg ah.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka uu  ka billowday  saakay. Waxa uuna ka bilaawday halka loo yaqaano Beledunuur oo ku taalla galbeedka Beledweyne, kadib markii ay isku dhaceen labo maleeshiyo beeleed.

Warar  hor dhac ah ayaa  sheegaya in dagaalkan uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale maamulka gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa inuu ku baxay xiisadaasi, islamarkaana uu ciidamo geeyey goobta lagu dagaalamay. Waxaana dagaalkan uu ka bilaawday markii la isku qabsaday dhul.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post