933 Views

Golaha Ammaanka oo ka digay in la musuq maasuqo doorashada Somalia

Golaha Ammaanka oo ka digay in la musuq maasuqo doorashada Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Axad  , March 1, , 2020 —Golaha Ammaanka ee QM oo ka kooban 15 xubnood ayaa waxaa ay War cusub ka soo saareen doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Soomaaliya 2021-ka,iyaga oo ka digay in doorashadaas la musuq maasuqo.

 

Qoraal kasoo baxay golaha ayaa waxaa lagu sheegay inay muiim tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho daahfuran oo qof iyo Cod ah,sida uu qabo Dastuurka KMG ah ee Soomalaiya kuna heshiiyeen saamileyda Siyaasadeed ee dalka.

 

 

 

Qoraalka Golaha ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey doorka Dowladda Federaalka, Barlamaanka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka,iyaga oo sidoo kale sheegay in horumar ballaaran laga gaarey u diyaar garoowga doorashada.

 

Waxaa ay sidoo kale Golaha Ammaanka soo jeediyeen in doorashada soo socota ee Soomaaliya ay noqoto mid daahfuran,Hufan oo loo wada dhan yahay la iskuna haleyn karo.

 

Qoraalka oo aad u dheeraa ayaa loogu baaqay Baarlamaanka Soomaaliya inay wadashaqeyn la yeeshaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashadda, DFS, Dowlad-gobaleedyadda xubnaha ka ah Federalka iyo Saamileyda Siyaasada Soomaaliya.

 

Ugu dambeyn Golaha waxaa ay dalbadeen in la ilaaliyo qoondada Haweenka Kuraasta Barlamaanka ku yeelanayaan 30% iyo Kuraasta ay Gobalka Banaadir iyo Maamulka Somaliland ku yeelan doonaan Barlamaanka si aysan u dhicin isqabqabsi ka yimaada doorashooyinka soo socda.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment