705 Views

Ilaa 11 qof oo ku dhimatay dalka Rwanda kadib markii ay cabbeen khamri laga sameeyay mooska oo si weyn looga isticmaalo dalkaas.

Ilaa 11 qof oo  ku dhimatay dalka Rwanda kadib markii ay cabbeen khamri laga sameeyay mooska oo si weyn looga isticmaalo dalkaas.
____________________________________________________________________________

khamiis: January 6, 2022

Ilaa 11 qof ayaa ku dhimatay dalka Rwanda kadib markii ay cabbeen khamri laga sameeyay mooska oo si weyn looga isticmaalo dalkaas.

Dadkan waxay ku sugnaayeen degmada Bugesera oo ku taalla koonfur bari Rwanda.

Waxaana lagu soo warramayaa ila afar qof oo kale oo cabbay khamriga haatan lagu daweynayo cisbitaalka deegaanka.

Markii la baaray khamriga waxaa lagu arkay maaddada Methanol oo si aad ugu badneyd taas oo lala xiriiriyay dhimashada dadkii cabbay, sida ay sheegtay waaxda la socota tayada cuntada iyo dawooyinka Rwanda.

Shan qof ayaa la xiray oo uu kamid yahay milkiilaha warshaddii soo saartay khamriga, sida uu xaqiijiyay xafiiska baarista Rwanda.

Saraakiisha waxay sheegeen in warshadan ay ku shaqaynaysay ruqsad la’aan, waxaana la hakiyay howsheeda.

Waxaana dalkaas ka bilowday olole ballaaran oo looga soo horjeedo warshadaha soo saaro khamriga ee shati la’aanta ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post