1287 Views

SAWIRO:-Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo gaaray Baladweyne

SAWIRO:-Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo gaaray Baladweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 08, 2019 —Wasiirka Waxbarashada Xukumada Somalia ahna Xildhibaan ka tirsan golaha Shacabka  Cabdullaahi Goodax Bare iyo Wafdi U Hoggaminaayo ayaa Maanta waxaa ay gaareen Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

 

Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne kusoo dhaweeyay Gudodomiyaha Gobolka Hiiraan,Qeybaha Bulshada Iyo Ardayda Wax ka barata  Gobalka Hiiraan.

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in u jeedka uu Baladweyne u tegay wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ay qeyb ka tahay in la filayo inuu halkaasi ka dhagax-dhigo Xarumo Waxbarasho oo halkaasi laga dhisayo.

 

Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay baladweyne waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan iyo qeybaah kala duwan ee Bulshada.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment