1023 Views

Ciidamada Jeneraal saadaq joon oo ku gaashaaman hubka noocyadiisa oo isku fidiyay Degmada Hodon.

Ciidamada Jeneraal saadaq joon  oo ku gaashaaman hubka noocyadiisa oo isku fidiyay Degmada Hodon.
____________________________________________________________________________

April 18- 2021

Wararka ka imaanaya saakay  magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Ciidamo daacad u ah Taliyihii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir Gen. Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ay xalay ilaa saakay aroor hore  fariisimo ka samaysteen xaafado ka tirsan Muqdisho.

Ciidamadan oo ku gaashaaman hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, ayaa fariisimo ciidan ka samaystay xaafadaha Black sea, meel aan ka fogayn isgoyska albaraka  iyo Shiirkole oo ka tirsan degmada Hodon.

Magaalada Muqdisho, waxa weli ka taagan xiisadda u dhexaysa dowladda Federaalka iyo Taliyihii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir Gen. saadaq joon, kaas oo xilka laga qaaday 12-kii bishan April 2021 kadib markii uu ka horyimid mudda kororsiga dowladda.

Sidoo kale, xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Federaalka ayaa taageero u muujiyay Gen. Saadaq Joon, waxaana ay ku baaqeen in laga difaaco, haddii weerar kaga yimaado dowladda, inkastoo dowladdu sheegtay in aysan wax tallaabo ah ka qaadi doonin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post