2901 Views

Puntland oo warka soo saartay dagaalka Tukaraq

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 15, 2018 – Maamulka Puntland aya si kulul uga hadlay dagaalkii saakay arroortii ka bilaawday deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool kaas oo u dhaxeeyey ciidamada Puntland iyo kuw Soomaaliland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi xersi Cali Qarajab,oo Warbaahinta la hadlay ayaa shegay in ciidamada Soomaaliland ay saakay soo weerareen fariisimaha ciidamada Puntland ee degaanka Tukaraq,isla markana ay iska difaaceen.

Waxa uu sheegay Wasiir Qarjab,in dagaal kooban uu halkaasi ka dahcay balse ciidamada Puntland ay ku guuleysteen in ay jebiyaan Ciidamada Soomaaliland sida u hadalka u dhigay.

Masheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkii saakay dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Maamulka Soomaaliland.

Xaalada deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa haatan lagu soo waramayaa in ay tahay mid degan.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment