276 Views

Shirka Cimilada Adduunka oo maalintii labaad ka socda dalka Masar

Shirka Cimilada Adduunka oo maalintii labaad ka socda dalka Masar
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 7, 2022

Magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar waxaa maalintii labaad ka socda shirweynaha 27-aad ee Qaramada Midoobay ee sanad kasta looga hadlo wax ka qabashada isbedalka cimillada.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya hoggaamiyaal kala matalaya in ka badan 120 waddan oo dunida ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya shirkan ayaa gaaray magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.

Madaxweynaha iyo khuburada cimilada Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagaya Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimilada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post