1002 Views

Ammaanka Dalka Kenya oo aad loo adkeeyay Ciidamadii keydka oo loo yeeray iyo Cabsi ka jirta Magaalada Nairobi ..

Ammaanka Dalka Kenya oo aad loo adkeeyay Ciidamadii keydka oo loo yeeray iyo Cabsi ka  jirta Magaalada Nairobi ..
____________________________________________________________________________


Arbaco: November 17, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in cabsi ay ka jirto magaalada, kadib Markii maalmo ka hor ay ka baxsadeen Xabsi ku yaala Nairobi, koox argagixiso ah.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya la galiyay Heegan Sare, waxaana loo yeeray Ciidamadii Fasaxa ku maqnaa iyo kuwii keydka ahaa.

Cabsidaan ayaa ka sii dartay kadib markii shalay laba Qarax ay ka dhaceen dalka Ugandha oo daris la ah Kenya oo ay sheegteen kooxda Daacish.

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan ayaa laga daremayaa gudaha magaalada Nairobi, gaar ahaan marka aad tagto Tawnka, kuwaas oo ah Ciidamo dhar cad ah, su’aalo ku waydiinaya marka aad tagto meelaha aadka loo ilaaliyo.

Sidoo kale Ciidamada ayaa ah kuwa dhar cad ah, waxaana arintaan ku soo aadaysaa xili maalmo ka hor xabsi wayn oo ku yaala magaalada Nairobi ay ka baxsadeen rag argagixiso ah, taasi oo sii adkaysay xaalada amaan ee dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post