663 Views

Mareykanka iyo Britain oo sheegay in ay jirto fursad dublumaasiyadeed oo lagu dajin karo xiisadda Ukarine iyo Ruushka

Mareykanka iyo Britain oo sheegay in ay jirto fursad dublumaasiyadeed oo lagu dajin karo xiisadda Ukarine iyo Ruushka
____________________________________________________________________________

Talaado: February 15, 2022

Hoggaamiyeyaasha dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa sheegay in aan weli laga rajo beelin fursad diblumaasiyadeed oo lagu xalliyo xiisadda Ukraine ka taagan, waxayna ka digeen in xaaladdu sii cakiranto.

Joe Biden iyo Boris Johonson oo 40 daqiiqo taleefoon ku wadahdalayay waxay isku afgarteen inuu wali jiro door xiisadda lagu dajin karo, balse Ruushka hadduu dagaal uu ku qaado Ukrine waxay sheegeen inuu cawaaqib xun uuu la kulmayo.

Madaxweynaha Volodymeyr Zelensky wuxuu ku dhawaaqay maalinta Arbacada iney noqoto maalinta midnimada dalkaasi kaddib marki ay sirdoonka Mareykanka soo jeediyeen Arbacada iney noqon karta maalinta uu Ruushka dagaal ku soo qaadi karo Ukraine.

Dalabka ugu weyn ee Ruushka ayaa ah in Ukraine aysan weligeed ku biiri karin gaashaanbuurta NATO, balse dalalka Galbeedka ayaa diiddan arrinkaas iyagoo ku doodaya in isbahaysiga uu leeyahay siyaasad soo dhaweyneysa xubno cusub.

Hase yeeshee safiirka Ukraine u fadhiya London, Vadym Prystaiko, ayaa BBC u sheegay in dalkiisa uu aqbali karo dalabka Ruushka, si xaaladda loo dejiyo

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post