765 Views

Barasaabka Pennsylvania oo dhegaha ka fureystay baaqa Trump ee ah in la joojiyo tirinta codadka

Barasaabka Pennsylvania oo dhegaha ka fureystay baaqa Trump ee ah in la joojiyo tirinta codadka
____________________________________________________________________________

Barasaabka gobolka Pennsylvania, Tom Wolf, ayaa sheegay in tirinta codadka gobolkaas ay sii socon doonto, inkastoo ay jiraan dadaal ay kooxda ololaha Trump ku hor istaagayaan tirinta.

Waxay sheegeen in Dimuqraaddiyiintu ay isku dayayaan inay afduubtaan codadka Pennsylvania. Ku xigeenka madaxa ololaha Trump Justin Clark ayaa sheegay in Dimuqraaddiyiintu ay isku dayayaan inay musuqmaasuqaan codadka Jamhuuriga. Si kastaba, ma jiraan warar sheegaya inay dhacday ku shubasho.

“Isku dayadan lagu wiiqayo hannaanka dimuqraaddiyadeed waa mid ceeb ah,” ayuu yiri Mr Wolf, oo Dimuqraaddiga ka tirsan. “Dagaal adag ayaan u geli doonaa sidii loo ilaalin lahaa codadka dadka Pennsylvania. Wax walba oo awooddeyda ah ayaan sameyn doonaa si aan u hubiyo in cod walba la tiriyo.”

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post