2367 Views

Madaxweyne Muusa Biixi oo ka biya diiday Baaq ay u soo jeediyeen Beesha Caalamka

Madaxweyne Muusa Biixi oo ka biya diiday Baaq ay u soo jeediyeen Beesha Caalamka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 6, 2018 – Madaxweynaha Soomaaliland Muusa Biixi Cabdi ayaa ka biya diiday war ay u soo jeediyeen beesha caalamka kaas oo ku aadanay in ciidamada Soomaaliland in ay dib ugu laabtaan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool halkaas oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamo kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliland ee ku sugan Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool aysan aheen ciidamo duulaan ah laakiin ey yihiin ciidamo ku sugan qeyb ka mid ah dulka Soomaaliland.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxaa sidoo kala diiday in uu kala hadlo Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Gaas Colaada ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, wuxuuna beesha Caalamka ka iyo Qaramada Midoobey uu ka dalbaday in cadaadis lagu saaro madaxda dowlada Fedraalka Soomaaliya sidii ciidamada Puntlan ay ugu soo bixin lahaayeen Deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment