1632 Views

Ma Dhabaa khilaaf u dhaxeeyo Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha Dalka ??

Ma Dhabaa khilaaf u dhaxeeyo Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha Dalka ??
____________________________________________________________________________

Mogdishu | QOL | Febaraayo 25, 2019 –Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay qoraalo lagu sheegayey in uu jiro khilaaf xoogan uu u dhaxeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in uu jiro khilaafkaas,waxaana ka mid ah xildhibaan Cabdi Shakuur Cali Mire,waxana uu sheegay in uusan waxba ka jirin khilaafka la sheegay in uu u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.,

Xildhibaan Cabdi Shakuur oo ka mid ah Xildhibaanada u dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid ay soo abaabuleen dad mucaarad ku ah dowladda,isla markaana uusan waxba ka jirin.

“Waxyaabo badan oo inaga qaldamay waxaa sabab u ah bulshadeena oo u nugul faafinta wararka been abuurka ah iyo xogo aan la hubin oo dadka Shacabka ah lagu marin habaabiyo,sidaan ogahay waxa ay noqotay awooda kaliya ee mucaaradku adeegsadaan ayuu yiri Xildhibaanka”

Wararka lagu faafiyey Baraha Bulshada ee ku aadan in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaanan weli ka hadlin Madaxyooyada Soomaaliya sidoo kale waxaa jirin khilaaf rasmi ah oo soo baxay marka laga reebo qoraalada dadka qaar ay soo dhigayeen Baraha Bulshada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment