225 Views

Golaha Wasiirrada XFS oo yeeshay shirkii ugu horreeyay ee toddobaadlaha ahaa

Golaha Wasiirrada XFS oo yeeshay shirkii ugu horreeyay ee toddobaadlaha ahaa
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 1, 2022

Shirkii ugu horreeyay ee toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada ayaa maanta oo khamiis ah lagu qabtay magaalada Muqdisho – kaasi oo looga hadlay xaaladda amniga waddanka, hawlaha gurmadka abaaraha iyo safarradii shaqo ee dhowaan uu galay Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa golaha wasiirada warbixin ka siiyey safarkii uu ku tagay magaalada Tuunis ee dalka Tuunisiya, oo isaga wafdigiisa ay kaga qaybgaleen shirkii caalamiga ahaa ee TICAD8 – kaasi oo intii uu socday Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha wafdiga ay kulamo kala duwan la yeesheen madaxdii ka qaybgalaysay shirka.

Waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu ka warramay safarkiisi magaalada Beledweyne oo uu sheegay inay u doorteen inay tusaale u noqoto dedaalada gurmadka ay dowladdu billowday.

Dhinaca kale, wasiiradda Gaashaandhiga iyo Amniga ayaa iyaguna waxa ay xog ka bixiyeen xaaladda amniga ee dalka iyo dadaalka ay dowladdu wado ee lagu doonayo in lagu sugo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa isna ka warbixiyay xaaladda abaaraha iyo xogtii ugu dambeysay ee gurmadka loo fidinayo dadka dhibaateysan.

Ugu dnbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyay wasiirada ay khuuseeyaan ajandayaashii shirka ee maanta inay si degdeg ah wax qabad la taaban karo u gaarsiiyaan shacabka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post