1071 Views

Dowladda Jabuuti oo shaacisay sababta Fahad Yaasiin u xanibtay

Dowladda Jabuuti oo shaacisay sababta Fahad Yaasiin u xanibtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 17, 2021–Ilo-wareedyo ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya oo diiday in magacooda la sheego ayaa idaacadda VOA u sheegay in laamaha amniga Soomalaiya ay amreen in Fahad Yaasiin aysan diyaaraduhu keeni karin Muqdishu, waxayna ku eedeeyen inuu Muqdishu ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo garoonka diyaaradaha ee Muqdishu.

Dhinaca kalena, Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Jabuuti ayaa VOA u sheegay in Fahad Yaasiin oo ay la socdaan ilaa 40 qof, diyaaradda Turkish Airlines, iyagoo ku sii jeeday Muqdishu, hase yeeshee ay diyaaraddu heshay amar ah inaysan rakaabkaasi iman karin Muqdishu.

Sarkaal ka tirsan Jabuuti oo diiday in magaciisa la sheego sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay in haddii Fahad iyo wafdiga la socda aysan u safri karin Muqdishu ay ku celin doonaan halkii uu asal ahaan safarkiisu kasoo bilowdya oo ah magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Xigasho:VOA

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post