882 Views

Masar oo sheegtay inay fashilisay weeraro Argagaxiso

Masar oo sheegtay inay fashilisay weeraro Argagaxiso
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 22 2020–Ciidamada Masaarida ayaa sheegay inay dileen 18 dagaal yahana ah oo looga shakisan yahay kooxo mintidiin ah, kuwaas oo soo weerarey xarun millateri oo ku taal waqooyiga Siinaay galinkii dambe eeTalaadada.

Ciidamada Masar ayaa intaa ku daray in ay fashiliyeen weerarkii lagusoo qaatay oo ay ku tilmaameen mid “argagaxinimo” ahaa.

“Laba ka tirsan ciidamada ayaa la dilay afar kalena waa lagu dhaawacay weerarka oo ka dhacay deegaanka Bir al-Abed” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay.

Mid ka mid ah kooxdii soo weerartay oo ay sheegeen in uu xirnaa suunka qarxa, ayaa kamid ahaa sida ku cad bayaan ciidamada ay soo saareen, iyagoo intaa ku daray in ciidamadu burburiyeen afar gaari oo ay ku jiraan saddex bambo gacmeed.

Ciidamada Masar ayaa la dagaalmay kooxo gooni ugoosad ah tan iyo 2013-kii, iyagoo galaaftay boqolaal boolis iyo Askar ah.

Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale weeraro ka fuliyay meelo kale oo dalkaasi ka mid ah.

Bishii May, ciidamadu waxay sheegeen in 15 ka mid ah raggoodii ay ku dhinteen ama lagu dhaawacay hawlgallo ka dhacay Jasiiradda Siinaay, isla markaana ay 126-kale looga shakisan yahay aaga siinaay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post