528 Views

Guddiga doorashooyinka heer federal oo farriin u diray maamullada aan weli ku dhawaaqin liiska xildhibaanada

Guddiga doorashooyinka heer federal oo  farriin  u diray maamullada aan weli ku dhawaaqin liiska xildhibaanada
____________________________________________________________________________

Sabti: November 20, 2021

Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa farriintii ugu dambeysay u diray maamullada aan weli ku dhawaaqin liiska xildhibaanada lasoo dooranayo ee Golaha Shacabka, maadaama doorashada golahan ay ka bilaabatay dalka.

Axmed Safiina oo ah afhayeenka guddiga doorashooyinka dadban ayaa sheegay in looga baahan yahay Puntland, Jubbaland iyo HirShabelle inay sida ugu dhaqsiyaha badan u guda-galaan doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, si waqtiga looga faa’iideesto.

Afhayeenka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in doorashada Golaha Shacabka aysan ka dib mari doonin 24-ka December ee sanadkan 2021-ka.

“Waxaan halkan fariin uga direynaa, saddexda maamul goboleed ee haray Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle, inay ku soo dhaqsadaan liisaska kuraasta ugu horeeya ee doorashada, dhamaan doorashada dalka 24-ka December ka gadaal mari-meyso inshallah,” ayuu yiri Safiina.

https://012dbda8941f5a14653719ff28ad6b0f.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Ugu dambeyn afhayeenka ayaa farriin u diray odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed, wuxuuna ka dalbaday inay soo shaqo galaan, si loo siiyo tababaro ku aadan doorashada.

Soomaaliya ayaa waxaa aad ugu dheeraatay xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay doorashooyinka, hayeeshee waxaa haatan meel wanaagsan maraya doorashada baarlamaanka, iyada oo qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo dhammaadka December.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post