882 Views

Wiil Soomaali ah oo tooreey lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Wiil Soomaali ah oo tooreey lagu dilay dalka Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________


khamiis: November 18, 2021

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Gudaha dalkaas waxaa ay Wiil Soomaali ah ku dileen Tooreey, xilli uu ku sugnaa Goob Ganacsi uu ku lahaa degaanka Vrygtrond oo ku dhow Xeebta Muizenberg ee Magaalada Cape Town.

Wiilka Soomaaliga oo lagu Magacaabi jiray Suleymaan ayaa Kooxaha Burcadda ah dhowr jeer tooreey kaga dhufteen qoorta, waxaana uu u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray weerrka tooreeyda ah.

Mid kamid ah Soomaalida Gaancsiga ku leh goobta falka uu ka dhacay ayaa yiri” laba Nin oo aan la garanayn ayaa soo galay dhismaha, iyagoo Tooriyeeyey Marxuumka, ka dibna waxay goobta uga baxsadeen jiho aanan garaneyn, iyaga oo wata cadad lacageed, walwal ayaana na soo wajahay.

Qaar kamid ah Wargeysyada kasoo baxa dalka Koonfur Afrika oo dhacdadaan aad u qorayay ayaa sheegay in goobta ay gaareen Ciidamo katirsan Booliska Koonfur Afrika, kuwaas oo goobta kasoo qaaday meydka Wiilka Soomaaliga ah, balse aysan ku guuleysan inay qabtaan dadkii dilka geystay.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa joogto ka noqday dilalka loo geysanayo Soomaalida ku Ganacsata, iyada oo dowladda Koonfur Afrika ku guul dareysatay inaybwax ka qabato dilalkaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post