912 Views

Madasha Xisbiyada Qaran oo walaac ka muujiyey Shaqada Hay’adaha NISA

Madasha Xisbiyada Qaran oo walaac ka muujiyey Shaqada Hay’adaha NISA
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 27- 2020–Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay warqad u direen Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya taas oo ay walaac uga muujinayeen Shaqada Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.

 

Qoraalka ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin xoagaha maalmahaan soo baxayay oo sheegayay xiriir iyo wadashaqeyn ka dhaxeeysa Hay’adda NISA iyo Ururka Al-Shabaab taas oo shaki weyn ku abuurtay.

 

 

 

Madasha Xisbiyada waxaa ay sheegeen in markii ay arkeen wararkaan soo baxay,dhacdooyinkii waaweynaa ee dalka ka dhacay oo uu kamid yahay dilkii Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng, C/raxmaan Yariisow iyo dhacdooyin kale ay ku qanceen xogaha laga baahiyey Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.

 

Madasha Qoraalka ay u direen Madaxda dalka ayaa waxaa ay ku dalbadeen in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dilkii Guddoomiyihii G/Banaadir iyo xogaha soo baxayay ee sheegayay wadashaqeynta Taliyeyaasha Hay’adda NISA iyo Al-Shabaab.

 

Sidoo kale waxaa ay dalbadeen in Warbaahinta iyo Baraha Bulshada ee Hay’adda NISA aan loo adeegsan dano gaar ah laguna marin habaabin ra’yiga dadweynaha.

 

Ugu dambeyn Madasha xisbiyada Qaran waxaa ay sheegeen inaysan ku qancin jawaabtii ay dowladda Soomaaliya ay siisay Warbaahinta Kenya qoraalkii ay baahiyeyen 17/4/2020,kaas oo ku saabsanaa wadashaqeyn ka dhaxeysa Hay’adda NISA iyo Ururka Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment