576 Views

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo marayo heer gobogabo ah

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo marayo heer gobogabo ah
____________________________________________________________________________


Sabti: January 8, 2022

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho ayaa maraya heer gebogebo ah iyadoo horumarro laga gaaray arrimihii laga wada hadlayay, waxaana la filayaa in dhawaan la soo gabogebeeyo.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa sheegay in shirka ay Madaxdu sii amba qaadeen qodobada doorashooyinka iyo amniga.

“Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka maanta oo Sabti ah waxa ay sii wadeen kulamadii ay ka lahaayeen doorashooyinka iyo amniga Dalka, shirka maanta sida caadiga ah oo uu shirguddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qeybgalay Madaxweyneyaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir”. Ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa xusay in shirka uu marayo heer gabogabo ah, lana filayo in shirka uu soo gabo gaboobo maalmaha soo socda, ayna ka soo bixi doonaan go’aano wax ku ool ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post